Quantcast
Channel: Duhur » About Duhur
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2

3 qof oo dhallinyaro ah oo tuhun argagixisanimo loogu xiray Mudug

$
0
0

Ciidamadda booliska maamul Puntland ayaa xalay saddex dhallinyaro ah oo la tuhmay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada ka tirsan ururka al-Qaacidda ee al-Shabaab ka qabtay degmada Goldogob oo 60 kilo mitir u jirta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Guddoomiyaha degmada Goldogob, Cabdullaahi Yuusuf ayaa Bar-kulan u sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorshaysan, isagoo xusay in shan dhallinyaro ah oo kale ay ka baxsadeen ciidamada.

Wuxu tilmaamay in mid ka mid ah saddexda dhallinyaro ee la xiray uu dhaawac soo gaaray intii uu socday howlgalka oo rasaas laysku waydaarsaday. Askar ka tirsan ciidamada ayaa sidoo kale howlgalka ku dhaawacantay.

Cabdullaahi Yuusuf ayaa sheegay in dhallinyarada baxsatay oo lagu raad-joogo iyo kuwa la xiray ay tuhunsan yihiin inay xubno ka yihiin al-Shabaab, isla markaana ay ka yimaadeen deegaanno ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2

Latest Images

Trending Articles





Latest Images